Shir looga hadlayay maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ka dhacay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shir looga hadlayay maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ka dhacay Muqdisho

Shir loogaga hadlayay qaabka ay beelaha Baadicadde iyo Jajeele ay ugaga qeybgali lahaayeen shirka maamul u sameynta gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliiyiin ka tirsan Maamulada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, Siyaasiyiin, waxgarad ka soo jeeda beelaha Baadicade iyo Jajeele waxana diiradda lagu saaray awood qeybsiga maamulka uu yeelan doono Hiiraan iyo shabeelaha dhexe iyo sida uu noqonayo maamulka loo sameeynayo goboladaasi.

Kulankaan intii uu socday waxaa la isku raacay in magaca Gugundhabe in aan shirka maamul u sameynta looga qeybgalin iyo awoodaha kale uusan ku soo bixikarin magaca Gugundhabe ayna beelwalba si madaxbanaan ay ku hesho xaqii ay ku laheyd maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe wixii intaa ka soo harayna beelaha ay isku raaceen in ay ka soo horjeesan doonaan.

Khaliif Cabdi Cumar Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Hiiraan oo ka hadlay shirkaan ayaa sheegay in labada beelood ay isla garteen in magaca Gugundhabe meesha laga saaro habka loo qeybsan doono maamulka uu yeelan doono Hiiraan iyo shabeelaha dhexe beelwalbo ay gooni u madaxbanaantahay….” shirka waxaa ugu muhiimsanaa in dadweynaha iyo dowladda qeybaheeda kala duwan ay ogaadaan in beelaha Baadicadde iyo Jajeele ay isku raaceen in meesha laga saaro magacii Gugundhabe kaasoo ahaa magac mideeyo Beelo kala duwan, Maadaama qaladaad horey u soo dhacay haddana lagu jiro howshii maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe Beelwalbo xaqii ay laheyd waxa ay u dooneysaa si madaxbanaanimo ku jirto in ay u hesho wixii intaa ka soo harana ay ka horimaan doonaan,qeybsiga Guddiga farsmada kuma soo bixi karo MagacaGugundhabe,horey waan u sheegnay haddana waan ku celineynaa, Beelwalbo xaqii ay laheyd in ay hesho waa muqadas, hadda waxaanahay xaqdoon ee manihin xaldoon..” ayuu yiri Guddoomiye Khaliif.

Col Xasan Faarax Xirsi oo ku hadlay magaca beesha Jajeele ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan shirka maanta ay la qaateen Beesha Baadicadde,waxa uuna ka mahadceliyey sida ay u soo dhisteen maamul mid ah oo lagu farxo waxa uu sheegay..”Beelaha maanta shiray waxa ay go’aan cad ku gaareen in ay diidaan markale in ay qaataan qaladaad horey u soo dhacay,Beelaha kale ee walaalaheena wey is qeybiyeen mid walbo beel ayee u taagantahay

“Maxaa diidan in maanta aan ka hadalno masiirkeena,annaga oo og beelo nala mid ah in ay Baarlmaanka Somaliya ka heleen tiro badan,Dowladda qeybaheeda kala duwan ay ku jiraan,safiiro iyo Maamulka Dowliga si weyn ayee ugu dhexmuuqdaan iyaga oo intaas leh ayaa haddana waxaa jira in boob ay rabaan,Ma yeeleyno mana qaadaneyno,wixii aan xaqqa u laheyn waa in aan helnaa,nidaamka lagu dhisi doono Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe waa in saamigii aan ku laheyn aan helnaa,haddii ay dhici weydo go’aan ayaa qaadandoonaa…” ayuu yiri Col Xasan Faarax Xirsi.

Bilihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka soconayay shirar ay waday Beesha Baadicadde waxaa ayna horey ula soo shirtay Beesha Jidle,kulamo ay la soo qaateen Madaxweynaha iyo Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federalka,waxaana maalmaha soo socdo ay Shirar la yeelan doonaan Beelaha dega Gobolka Hiiraan. Si kastaba ha ahaatee waxaa jira go’aano ay soo saareen Beesha Baadicadde,waxaana dhawaan magaalada Muqdisho ka dhici doono shirweyne ay ka soo qeybgali doonaan beelaha dega Gobolada Hiiraan iyo Shabeela dhexe

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!