Shir looga hadlay dhismaha ciidamada Soomaaliya oo ka dhacaya UK & R W Cabdi Weli oo ku wajahan
Mareeg.com: R/wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Britain, kaasoo looga hadlayo xoojinta ciidamada dalka Soomaaliya.
R/wasaare C/weli oo shalay gaaray Baydhabo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, wuxuuna usii gudbay dalka Ingiriiska.
R/wasaaraha oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaradaha ayaa sheegay iney kusii jeedaan dalka Ingiriiska “Waxaanu kusii jeednaa UK, halkaasoo aan uga qeybgeli doono shir looga hadlayo dhismaha ciidamada Soomaaliya, waxaana rajeynayaa inuu si fiican ku dhamaan doono” ayuu R W Cabdi Weli u sheegay warfidiyeenada.
Waxaa R/wasaare Cabdi Weli ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya xubno ay ka mid yihiin wasiirka gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo warfaafinta Mustaf Sh. Cali Dhuxulow.
Mareeg Media
Comments are closed.