Shir ku saabsan kheyraadka Soomaaliya oo ka furmay Jabuuti

Read Time:44 Second

Shir looga hadlaayo dhaqaalaha Soomaaliya iyo sida loo ilaalin lahaa Kheyraadkeeda ayaa waxa uu ka furrmay Magaalada Jabuuti dalka Jabuuti waxaana ka qeyb galaayo madax ka socota Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka jira oo intooda badan lagu casuumay shirka.

Shirkan ayaa la shegay in uu socon doono mudo 5 maalin ah inta badana diirada la saarayo sidii loo ilaalin lahaa Kheyraadka dalka Soomaaliya iyo maraakiibta shisheeyo oo la rumeysan yahay in xaalufin ba’an ay ku hayaaan qeyraadka Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya ayaa ah dal uu ilaahey uu kumaneystay Kheyraad fara badan waxaana la rumeysan yahay in Kheyraadkaasi in sii sharci daro ah ay kaga faa’iideystaan maraakiib shisheeyo ee ka kaluumeysata Xeebaha dalka Soomaaliya.

Hase ahaate shirkaan ayaa noqonaayo shirkii ugu horeeyay ee looga hadlo dhaqaalaha Somalia ayna inta badan ay ka qeyb galaan madax ka kala socoto mamul Goboledyada dalka ka jira.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.