Shir ku saabsan Higsiga Cusub oo maanta lagu qabtay Garowe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shir ku saabsan Higsiga Cusub oo maanta lagu qabtay Garowe

Mareeg.com: Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27-1-2015  ku daah furay magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland  Shirweyne Looga Hadlayey Barnaamijka Hiigsiga Cusub (New Deal) ee Horumarinta Kaabayaasha DHaqaalaha.

IMG_2305

Shirweynaha ayaa waxaa kasoo qayb galay Wakiillo Kakala socda Dhammaan Maamullada Kajira Dalka Soomaaliya , Xubno Ka socdey Deeq bixiyayaasha Caalemiga ah  , iyo Hay’adaha Ka hawl-gala guud ahaanba dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaaas ayaa Khudbad Taariikhi ah kajeediyey Madasha Shirka isagoona Tilmaamay sida uu ugu faraxsanyahay Shiweynahan  heerka Qaran ee lagu qabtay Caasiadda Puntland ee  Garoowe uuna   Rajeynayo inuu yahay Barnaamij wax badan kabedeli doona guud ahaanba dalka Soomaaliya

“Aad baan ugu faraxsanahay maanta inaan isugu wada nimaadno Barnaamijkan muhiimadda inoo wada leh dhammaanteen haddaan Soomaali nahay , waa barnaamij aan rajeynayo inuu noqdo mid wax badan katari dib udhiska soomaaliya , soo noolaynta soomaaliya, helitaanka soomaali mid ah ,soomaali ka baxda dhibkii dhowr iyo labaanka sano aan kujirney , soomaali u socota meel wanaagsan gaadhsiisana Soomaaliya meeshii ay istaahisho ayna ka qaaddo meesha ay hadda joogto” ayu yidhi Madaxwene Gaas.

Madaxweynaha Puntland Dr Gaas ayaa Sheegey in muddadii uu adduunku gaadhey horumarka ballaadhan ee soomaaliya kamaqani ay tahay labaatankii sanno ee soomaliya ay kujirtey burka iyo dawladd la’aanta, sidookale waxaa  tilmaamay Madaxweyne Gaas horumarinta kaabayaasha dhaqaaluhu ay ka Puntland ahaa Muhimad Gaar ah U leedahay.

“Dabcan Siyaasadda ayaa Hoggaamisa horumarka laakiin meesha aanu ka hadhnay adduunka waa dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyey ee adduunku gaadhey horumarka marka wixii horena waa burburay wax dambe  oo dhowriyo labaatankaa sanno waddanka lagusoo kordhiyeyna majirto ,

Waxaa Runta ah oo xaqiiqada ah oo lataabanayo oo soomaaliya gaadhi kara oo jiilka hadda jira iyo ka soosocdaba wax tar unoqon doonaahiwaa kan maanta halkaa loo fadhiyo, waxaad ogaataan haddaba inuu muhimaddaa gaarka ah inuu nooleeyahay aad ogaataan, annagana ka Puntland ahaan Horumarka Kaabayaasha Dhaqaaluhu iyo Waxsoo Saarku Muhimad Gaara ayuu nooleeyahay”. Sidaasi waxaa yidhi Madaxweyne Gaas.

-DHAMMAAD-

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!