Mareeg Media
Somalia

Shir ka furmaya Magalada Garoowe

19

Waxaa lagu wadaa in dhawaan Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ay shir ku yeeshaan Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xilligaan ka jira dalka.

Xoghayaha Golaha Shacabka Cabdi Kariin Xaaji Axmed Buux ayaa sheegay in shirkaas uu noqon doono mid looga tashan doono tababarada Xildhibaanada iyo Shaqaalahooda,is-xogwareysi ku aadan baahiyaha ay qabaan Xildhibaanada Federaalka & kuwa dowlad Goboleedyada.

Waxa uu sheegay in kulankaas la iclaamin doono waqtiga lagu qabanayo Garoowe ka hor inta aan la gaarin Bisha Ramadaan oo nagu soo fool leh, waxaana shirkii ugu dambeeyey ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Dowladda & dowlad Goboleedyada lagu qabtay Baydhabo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!