
Read Time:30 Second
Magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa maanta waxaa ka furmaya shir dib u heshiisiin ah oo lagu dhax dhaxaadinayo beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay deegaankaasi.
Shirkaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay mas`uuliyiinta maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug, kuwaas oo gogol u dhigay waxgaradka ka soo jeeda beelihii dagaalamay.
Mas`uuliyiinta wada dhax dhaxaadintaas ayaa ugu baaqay beelihii dagaamay in laga gudbo colaadii u dhaxeysay beelahaasi.
Maalmihii dambe ayaa magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa ka taagnay colaad u dhaxeysay beelo walaalo ah, kuwaas oo colaadooda ay ka bilaabatay dul daaqsimeed.

About Post Author
Ahmed weheliye Gaashaan
freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com