Shir dib u heshiisiin ah oo lagu soo gabagabeyay magaalada Jowhar (Daawo Sawirada) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shir dib u heshiisiin ah oo lagu soo gabagabeyay magaalada Jowhar (Daawo Sawirada)

Shir dib u heshisiiin ah oo lagu soo afjarayay colaad dhex tiil labo beel oo ka mid ah beelaha dega gobolka Sh/dhexe ayaa lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Munaasabadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Maaliyada C/hi Maxamed Nuur iyo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mahad Salaad Cilmi,mas’uuliyiin ka socotay maamulka gobolka Sh/dhexe, maamulka degmada Jowhar, nabadoono, waxgarad iyo culumaa’udiinka gobolka Sh/dhexe.

Odayaasha iyo waxgaradka munaasabadan ka hadashay waxaa ka mid ahaa Suldaan Axmed Rashiid Shiikh Shuceyb iyo Nabadoon Xaaji Maxamuud Hilowle,Shiikh Maxamuud Shiikh Yuusuf, Nabadoon Maxaad Muude Qaroofow iyo qaar kale.

Guud ahaan nabadoonada ayaa waxa ay sheegeen in la soo afjaray colaada u dhexeysay labada beelood ayna diyaar u yihiin inay kala qeybqaataan beelaha kale sidii loo gaari lahaa nabad waarta.

Kulankan lagu soo afjarayay colaada u dhexeysay labada beelood ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Maamulka gobolka Sh/dhexe iyo Hay’adda Tubta Nabadda.

Gabagabadii munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe Xuseen waxana uu ku tilmaamay heshiiska la gaaray guul u soo hoyatay shacabka gobolka Sh/dhexe.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlawe Xuseen ayaa u mahadceliyay hay’ada Tubta Nabadda oo qeyb weyn ka qaadatay sidii loo soo afjari lahaa colaada u dhexeysay labadan beelood.

Labadan beelood ayaa hore u gaaray heshiis iyagoo qashay sumal iyo sumeyn la mid ah tan maanta ay ku gowraceen magaalada Jowhar.

Hase yeeshee soo afjarida colaadan ayaa waxaa maanta goobjoog ka ahaa xubno ka mid ah golaha wasiirada iyo nabadoonada beelaha kale ee dega gobolka Sh/dhexe.hshiis-2hshiis-5hshiis-6hshiis-8hshiis-8

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!