Shil uu galay gaaari xildhibaan lahaa oo sababay dhimasho & dhaawac

Mareeg.com: Ugu yaraan 3 askari oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay duleedka Muqdisho, gaar ahaan deegaanka KM-13. Tirada dadka dhintay waxaa warar qaar sheegayaaan iney gaarayaan 5 ruux.

Shilka waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 4 qof oo uu ku jiro Kaamireyste ka tirsan TV-ga Horn Cable Xafiiskiisa Muqdisho. Dadkii dhaawacmay ayaa waxaa loola soo cararay goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga ay ciidamadu saarnaayeen uu ku dhacay gaari kale oo nuuca raaxadaa oo meesha marayay.

Janaraal Cabdullaahi Xasan Bariise oo ah Taliya hogaan Saadka ee Ciidanka Boliiska ayaa sheegay in gaariga shilka galay uu lahaa Xildhibaan lagu magacaabo Cali Ganay.

Shilkaan ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa ee ciidamada ku dhaca bilihii ugu danbeeyay, iyadoo shilalka ka dhaca Muqdisho iyo hareeraheeda ay soo badanayaan.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245