Shil Sababay Dhimasho & Dhaawac Oo Ka Dhacay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shil Sababay Dhimasho & Dhaawac Oo Ka Dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ayaa waxay ka soo baxayaan Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo saakay ka dhacay Wadada kala qeybisa Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Shilka uu yimid kadib markii Gaari xawaare ku socday uu wadada ka baxay islamarkaana uu jiiray laba Carruur ah halka laba kalena dhaawac uu soo gaaray xili ay marayen wadada laamiga , waxaana halkaasi ku dhintay laba kamid ah caruurtii uu jiiray Gaariga.

Caruurtan uu jiiray Gaariga ayaa waxaa la sheegay in ay u socdeen Dugsi Qur’aan oo ay dhiganayeen oo ku yaalla Nawaaxiga Wadada kala qeybisa Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Inta badan gawaarida oo xowli ku socda iyo wadooyinka muqdisho oo inta badan la dhisay ayaa fududeeyey in muqdisho ay shilalka kusoo bataan,waxaana dhawaan gaari ciidan oo wadada ka baxay uu nin Oday ahaa ku dilay agagaarka laamiga Shaqaalaha.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!