Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Shil gaari ayaa ka dhacay gudaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaas.

Gaari nooca raaxada ah iyo mid kale oo Cabdi bile ahaa ayaa isku dhacay oo uu shilkaas ka dhashay, waxaana uu sigaar ah uga dhacay agagaarka Xarunta dowladda hoose ee Magaalada Dhuusamareeb.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in gaariga Cabdi bilaha uu ku socday si xawaare sare ah uuna ku dhacay midka yar, isla markaana waxaa ku dhaawacmay Haweeney saarneyd gaariga raaxada ah, iyadoo Darawalkii waday uu ka badbaaday.

Dad goobta ka agdhawaa ayaa gurmad u sameeyay Haweeneyda uu dhaawaca soo gaaray, waxaana si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad oo ku taalla Magaalada Dhuusamareeb, si xaaladeed Caafimaad loogu dabiibo.

Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa waxaa horey uga dhacay shilal kala duwan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kuwaasi oo ku dhashay siyaabooyin kala duwan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More