Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Baydhabo

Read Time:38 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Shil gaari oo maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ayaaa sababay dhimasho iyo dhaawaca soo gaaray dad u badan dumar.

Saddex haween ayaa ku dhimatay, lix qof oo kalena waa ay ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Dadka dhaawacmay ayaa isugu jira saddex haween ah oo saarnaa gaariga iyo saddex qof oo kale oo uu jiiray gaariga shilka ku lugta lahaa.

Dhammaan dadka ku dhaawacmay shilka ayaa loola cararay isbitaalka guud ee magaalada Baydhabo.

Gaariga oo noociisa lagu sheegay Toyota Noah ayaa rogmaday kaddib markii uu waddada ka baxay, xilli uu ku soconayay xawaare aad u sarreeya, sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal ah.

Gaariga shilka sababay ayaa waxaa saarnaa haween ka soo laabtay xaflad aroos.

Mareeg Media 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.