Shil Gaari Oo Ka Dhacay Degmada Burtilne Ee Gobolka Nugaal

Burtinle – Mareeg.com: Wararka ka imaanaya degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in sedex qof ku geeriyoodeen todoba kalena ku dhaacmeen shil gaari uu xalay gelinkii dambe ka dhacay halkaas.

Gaariga shilka galay ayaa ahaa nooca “TOYOTA NOAH”, islamarkaana ay wateen culimada Tabliiqa, iyadoo gaarigaas ka yimid magaalada Hargeysa, kuna wajahnaa magaalada Bosaso.

Sedexda qof ee geeriyootay ayaa waxa ay isugu jireen hal qof oo dumar ah iyo laba rag ah sida uu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah dadka degmada Burtinle.

Shacabka iyo maamulka degmada Burtinle ayaa gurmad u fidiyey dadkii shilka galay iyadoo dadka dhaawaca ah la geeyey isbitaalka degmada

Shilkan gaari ayaa yimid kadib markii gaariga uu jidka ka baxay isagoo xawaare aad u sareeya ku socda.

Dhamaadkii bishii December ee sanadkii 2013 ayaa saddex wadaad oo ka tirsanaa Jamaacada Tabliiq ku dhinteen, toddobo kalena ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Qardho ee gobolka Bari.

Mareeg.com

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245