Shil Gaari Oo Ka Dhacay Deegaanka Calamada & Khasaare Ka Dhashay

Gaari ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ayaa Gaari  Caasi ah ku jiiray Degaanka Calamada oo u dhexeeya Ceelasha Biyaha iyo Xaawa Cabdi oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Ugu yaraan 4 Qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Shilka ka dhacay Calamada,waxaana ku dhaawacmay  illaa 15 kale.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Gaariga Caasiga ah uu ka yimid Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose uuna ku soo jeeday Muqdisho ,halka gaariga AMISOM uu ka yimid Magaalada Muqdisho.

AMISOM iyo Maamulka Shabellaha Hoose weli kama hadlin Shilka Xanuunka badan ee ka dhacay Degaanka Calamada.

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia