Shiinaha oo si rasmi ah safaarad uga furtay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shiinaha oo si rasmi ah safaarad uga furtay Muqdisho

Mareeg.com: Dalka Shiinaha ayaa maanta si rasmi ah dib u furay safaaraddii uu ku lahaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dalal badan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay dib u soo celinayay xiriirka dibloomaasi ee ay la leeyihiin Soomaaliya, kaddib markii ay ka soo raysay xaaladda ammaanka caasimadda.

Safiirka cusub ee Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Wei HongTian oo sidoo kale loo yaqaanno ‘Warsame’, dibloomaasiyiin ka socday dalka Shiinaha, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya, Nicholas Kay iyo dibloomaasiyiin kale ayaa ka qeyb-galay xafladda furitaanka safaaradda Shiinaha.

Madaxweyne Xasan ayaa xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ku tilmaamay mid soo jireen ah, waligiisna uusan xumaan tan iyo markii labada dal ay yeesheen xiriirka dibloomaasi.

Madaxweynaha ayaa dib u furidda safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ku tilmaamay tallaabo sii xoojineysa xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!