Shiinaha oo qasri weyn oo madaxtooyo u dhisay madaxweynaha Sudan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shiinaha oo qasri weyn oo madaxtooyo u dhisay madaxweynaha Sudan

Mareeg.com: Dalweynaha Shiinaha ayaa Qasri Madaxtooyo oo ballaraan u dhisay dalka Sudan, kaasoo uu degi doono madaxweyne Cumar Xasan Albashiir.

Albashiir

Furitaanka qasrigaan ayaa kusoo beegmaya sanadguuradii 130-aad ee kasoo wareegtay markii uu jaranjarada qasriga qadiimka ee Khartuum uu ku geeriyooday Gem. Charles Gordon oo u dhashay dalka Britain oo dalkaas gumeystay.

Maanta oo la joogo sanadka 2015 waxaa muuqata in Shiinuhu uu raadkiisa uga tegayo dalka Sudan kadib Britain.

Qasrigii hore ee cadaa ee Gen. Gordon ka dhisay Kharuum ayaa ka taagan daanta wabiga Niilka, waxaana sanado badan deganaa madaxweyne Albashiir.

Shiinaha ayaa qasri adag oo weyn ka dhisay dhinaca kii ay horay Britain u dhistay, waxaana la qorsheeyey in la furo 26-ka Jaanyo 2015 oo shalay aheyd.

Shiinaha ayaa qasriyo madaxtooyo horay ugu dhisay dalalka Afrika ee kala ah: Angola, Burundi, Guinea-Bissau, Lesotho, Malawi, Mozambique, Sierra Leone iyo Togo.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!