Shiinaha: 35 qof oo ku dhimatay isbuurasho ka dhacday xuska sanadka 2015 * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shiinaha: 35 qof oo ku dhimatay isbuurasho ka dhacday xuska sanadka 2015

Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhimatay, 42 kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii ay isbuurteen dad u dabaaldegayay soo dhaweynta sanadka 2015-ka.

Arrinta ayaa dhacday waxyar ka hor inta saacaddu aysan isu badalin 2015-ka, waxayna ka dhacday magaalada Shanghia ee dalka Shiinaha, halkaas oo kumannaan qof ay isugu tageen si ay u arkaan sanadka cusub.

Sababta isbuurashadan ayaan weli la xaqiijin, balse wararka qaar oo lagu qoray baraha bulshada ayaa sheegaya in dadka lagu qiyaanay lacag been abuur ah oo fooqa sare ee dabaq laga soo daadiyay intii xafladdu ay socotay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!