Shiidleey: Al Shabaab oo Weerar xoogan ku qaaday Ciidamad Kenya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shiidleey: Al Shabaab oo Weerar xoogan ku qaaday Ciidamad Kenya

Muqdisho (Mareeg)—Weerarkan oo ahaa mid gaadmo ayaa Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab waxey ku qadeen Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Weerarkaasi dhabagalka ahaa ayaa waxaa ka dhashay Dagaal Xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Kenya iyo Ururka Al Shabaab waxaana Dagaalka Xoogiisa uu haatan ka socdaa Degaanka Shiidleey oo u dhaxeysa Degaanada Ceelcadda iyo Likoley ee Gobolka Gedo.

Ciidamadan Kenyaan –ka ah ee la weeraray ayaa ka yimid dhanka Xadka kala qeybiya Dalalka Soomaaliya iyo Kenya waxaana ay doonayeen in ay gaaraan Degaanka Ceelcadde oo 60Km qiyaas ahaan u jira Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Weli lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ayaa ka dhashay Dagaalka hadda Ciidamada Kenya iyo Ururka Al Shabaab ku dhexmaray Degaanka Shiidleey ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Maalo ka hor ayee aheyd markii Dagaal yahano hubeysan oo ka mid ah Al Shabab ay Qaraxyo iyo Weerar toos ah ku galeen Saldhiga Ciidamada Kenya ee Degaanka Ceelcadde halkaasi oo Al Shabaab ay sheegeen in ay aku Dileen ugu yaraan 100 Askari.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!