Muqdisho, Mareeg.com: Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar mammnuucaya in waxyaabaha dareearaha ee shidaalku ka mid yahay lagu iibiyo hareeraha jidka Maka Al-mukarrama kadib markii wadadaas ay dhistay dowladda Turkiga.
Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir, Cabdikaafi Hilowle Cismaan oo saakay la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in shidaalka iyo waxyabaha dareeraha ah ay nadaafad-darro keenaa, sidaa daraadeedna aan lagu iibin karin jidka oo dib u dhis lagu sameeyay.
“Waddada Maka Al-Mukarama dib u dayactir xoog leh ayaa lagu sameeyay marka lama ogolaanayo in lagu iibiyo waxyaabo dareero ah oo nadaafadda wax u dhimaya, ganacsiyada aan sharciga ahaynna waa inay hareeraha jidka ka guuraan,” ayuu yiri xoghayaha maamulka gobolka.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in qofkii lagu arko isagoo biyo wasaq ah ku daadinaya hareerha jidka wuxuu muteysan doonaa ganaax lacageed, inkastoo uusan sheegin cadadka ganaaxaas lacageed uu noqonayo.
“Turkigu waxay dhiseen marshibiyeedka, waxaana socda dhismaha labada dhinac ee jidka Maka Al-Mukarama uu ka kooban yahay, qorshuna waa in la soo celiyo bilicdii Muqdisho, marka kama ogolaanayno qof inuu bilicdaas wax u dhimo,” ayuu xoghayuhu hadalkiisa ku daray.
C/kaafi Hilowle ayaa sheegay in gaadiid ay ku deeqday dowladda hoose ee Turkiga lagu nadiifin doono waddada, ayna howsha nadiifintu dhici doonto xilliyada habeenkii iyo aroorta hore inta aysan qorraxdu soo bixin.
Dhawaan ayaa dowladda Turkigu dib u dhis ku sameysay jidka Maka Al-mukarrama iyadoo jidkaas dhamaan la dumiyey ee dib loo shiday.
Mareeg.com