Shidaal La'an ka taagan groonka diyaaradaha Muqdishu * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shidaal La’an ka taagan groonka diyaaradaha Muqdishu

Duulimaadyadii caalamiga ahaa ee maanta imaan lahaa Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ayaa u baaqday shidaal la’aan ka jirta garoonka, iyadoo arrintan ay dib u dhac ku keeni karto horumaradii uu ku tallaaabsanayay garoonka dhowrkii sano ee u dambeysay.Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in qaar ka mid ah duulimaadyadii caalamiga ahaa iyo kuwii gudaha ay maanta hakad ugu jiraan shidaal la’aan darteed, waxaana ay saameyn ku yeelatay rakaabkii raaci lahaa diyaaradaha.Duulimaadyada baaqday ayaa waxaa ka mid ah Diyaarada Turkish Airways oo ah diyaaradii u horeysay oo caalami ah ee duulimaad ka bilowda Muqdisho, tan iyo bur burkii dowladii dhexe, waxaana diyaarada Turkish Airways ay todobaadkiiba Muqdisho duulimaad ku timaadaa afar jeer oo ay ku jirto maalinta jimcaha.Sidoo kale diyaarada Air Uganda ayaa iyana maanta duulimaadkeeda Kampala iyo Muqdisho u hakatay shidaal la’aan, iyadoo rakaab ay ka soo qaadi laheyd Kampala ay dib ugu dhaceen, waxaana arrintan aad looga hadal hayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho.Qaar ka mid ah duulimaayadii gudaha, gaar ahaan kuwii tagi lahaa gobolada dalka ayaa iyana hakad ugu jira shidaal yari darteed, maadaama aanu oolin shidaalka diyaarada, waxaana goor sii horeysay ee saaka la arkay booyadii shidaalka siin jirtay diyaaradaha oo faaruq ah.Wararka ayaa sheegaya in shirkad qaabilsaneyd keenista shidaalka diyaaradaha ee garoonka Muqdisho ay keeni weysay wax shidaal ah todobaadkan, iyadoo aanu inoo suura gelin inaan helno magaca shirkadan.Inkastoo bishii September ee sanadkii hore lagu wareejiyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Favori LLC ayaa hadana dib u dhacan maanta ku yimid duulimaadyadii garoonka ay ku noqoneysaa caqabadii u horeysay ee garoonka la kulmo.Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Garoonka Diyaaradaha iyo Shirkada Favori LLC oo ku aadan shidala yarida darteed ee ay maanta u baaqdeen duulimaadyada, hase ahaatee dadka qaar ayaa sheegaya in intii ay ka howl geli jirtay Garoonka shirkadii hore ee SKA aanay garoonka wax shidaal la’aan ka dhicin, duulimaadyadana aanay shidaal la’aan u baaqan.Garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde Air Port ayaa dhowrkii sano ee u dambeeyay ku tallaabsanayay horumaro ballaaran, iyadoo maalintii ka soo degayay duulimaadyo fara badan, waxaana garoonka lagu sameeyay dib u dhis xaga bilicda, waxaana dhowaan la filayaa in garoonka loo dhiso nashqad cusub oo sida garoomada caalamiga oo kale, taasoo ay soo bandhigtay Shirkada Favori LLC.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!