Sheikh Shariif oo Generaal Indha-cadde Ilaaliyaha guud u magacaabay

Read Time:41 Second

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa u magacaabay Generaal Yuusuf Max’ed Siyaad (indha-cadde) sarkaalka ugu sareeyay ilaaladiisa gaarka ah.

Generaal Yuusuf Max’ed Siyaad ayaa saaxiib dhow la ah madaxweynihii KMG ahaa,kaasi oo ay halgan u soo wada mareen sidii Al-shabaab looga saari lahaa guud ahaan Muqdisho.

Tani waxay ka dambeysay, markii weerar ismiidaamin ah 18-kii bishan lagu dilay Allaha u naxariistee General Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale), oo Madaxweynihii hore uu u magacaabay madaxa ilaaladiisa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa lagu wadaa in maanta Muqdisho kaga dhawaaqo musharaxnimadiisa madaxtinimo,waxaana socda qaban qaabada xaflada.

Sheikh Shariif ayaa khamiistii la soo dhaafay soo gaaray Muqdisho oo si weyn loogu soo dhaweeyay,wuxuuna musharaxa la saaxiibay dhamaan Saraakiishii hore iyo Siyaayiinta ka horjeeda Dowladda Xasan Sheikh.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %