Translate to your language
Sheeko weedho ama oraah Libin Jaceyl  — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sheeko weedho ama oraah Libin Jaceyl 

Waa xilli subax ah caadiyan miiska quraacda ayaa qoyska kulmiya Samiira sidii oo kale saaka waxa ay ka maadaneysaa Hooyadeed waxa ay ku quraacaday Kushiinka iyada oo qiil ka dhigatay in caloosha laga haayo.

Oo aysan cuntada dufanka leh aysan rabin Hooyo Farxiya waa ay fahmi kartay in gabadheeda ay cabsi iyo xishood kala maqan tahay miiska, quraacda kadib ayay Samiira iyo Yusra hore u sii raacaan aabahood si uu u geeyo goobahooda waxbarasho waxaase saaka in ay soo baxaan dhararayo Qadar oo subaxnimo ku soo xaadiray xaafada Samiira si wixii xalay dhacay ugu raali geliyo Samiira hooyadeed oo uu isaga si xoogan u aaminsanaa in ay aragtay markii uu gabadheeda laabta gelinaayey Qadar xumaan iyo aqlaaq daro kama aheyn ee hilowga xooga badan ee uu Samiira u qabay ayaa ka keenay markii uu hubsaday in ay baxeen ayaa uu abaaray ilinkii guriga Samiira durbadiiba waa laga furay waxaana loo sheegay in aysan Samiira joogin oo ay iminka baxday waxa uu waardiyihii u sheegay in uu doonayo Hooyo Farxiyo markii waxaa loo soo gudbiyey Saloonka guriga waxaana loogu yeeray Hooyo Farxiya oo markii ay magaciisa maqashaya ku tiri ha loo sheego Samiira ma jogto balse markii la yiri adiga ayaa uu ku doonayaa ayay soo abaartay iyada oo la yaaban waxa uu u sheegi rabo marki ay u soo gashay ayaa uu Qadar u istaagay oo uu ku yiri.

 

Qadar:

I waran Maama ma fiican tahay

 

Hooyo Farxiya:

Fiican Qadar maxaa jira saaka oo ku keenay halkaan

 

Qadar:

Wax daran ma jiro maama ee adiga Ayaan kuu socday

 

Hooyo Farxiya:

Waan ku maqlayaa

 

Qadar:

Hooyo waan kaa raaligelinayaa wixii xalay indhaada ay qabteen runtii Samiira wax qalad ah kuma laheyn waxaana kuu balanqaadayaa in aysan dib dambe u dhici doonin

 

Hooyo Farxiya:

Ma Samiiraa kuu sheegtay in aan iyada ku canaantay

 

Qadar:

Samiira kalmad ima dhihin balse hadalkii Yusra iyo soo noqoshadii Samiira oo welwel ka muuqday Ayaan isku keenay markii aan weydiiyeyna in aysan wax jirin ayay ii sheegtay laakiin hooyo waa Ku baryaa iga cafi runtii ma ihi wiil xun waana fahmi karaa qiimaha ay hablaha leeyahay ileyn anigaba qoys hablo u badan Ayaan ka dhashay

 

Hooyo Farxiya:

Oo Yusra maxay ku tiri

 

Qadar:

Yusra waxa ay ii sheegtay in uu xanaaq kaa muuqday sidaana aad Samiira ugu yeereysay

 

Hooyo Farxiya:

I maqal Qadaroo aniga Hooyo Ayaan ahay waana qasab in aan gabadheyda u cabsado wax kale ma jiro

 

Qadar:

Waan ku fahmayaa Maama aniga ma ihi nin xumaan u socda ma maleyn kartid sida aan ugu faraxsan nahay in ay Samiira Xillo ii noqoto waxa aan dhowrayo waa kaliya waxbarashadeeda aniga guurkeeda xilli hore Ayaan ku hamiyey waana hubaa waalidkay in ay ku farxi doonaan markaan u sheego reerkaan sharafka leh in aan gabadhooda doonayo

 

Hooyo Farxiya:

Si kasta waan ku saamaxay Maama ii faham oo kaliya in aan ahay Hooyo wax saxeyso ii sheeg maxaad cabeysaa

 

Qadar:

Mahadsanid Maama saaka xilli hore waa in aan shirkada tagaa si aan waxbixintii aan Dubay ka keenay u gudbiyaa

 

Hooyo Farxiya:

Adaa mudan wiilkayga qeyr badan Ayaan kuu rajeeyey

 

Sidii ayaa uu Qadar ku baxay waliba Hooyo Faxiya oo aad ugu qanacday raaligelintiisa

 

Falis saaka maqaayadeeda ayaa u furan ninkii Yaasiin ahaana xalay waa uu soo dhaxay Falis cidna Kama dareemeynin waxa ay ku sugan tahay qof kasta oo aragta caadi ayay u arkeysay balse waxaa jiray guux badan oo gudaha kaga furnaa

 

Yaasiin awalba nimaan ciirsi laheyn ayaa uu ahaayee oo nolosha hore ugu dhacay hadana is moog meesha uu taagan yahay sidii caadada u aheyd ayaa uu soo tiigsaday quraacdii uu barqadii ka cuni jiray Falis agteeda markii uu soo galay ayay Falis iyada oo aan waxba laga dareemin ku tiri Aweys Quraacda u diyaari Yaasiin rootiga u kululee Yaasiin markii uu hadalkaas maqlay ayaa uu is tusiyey in wixi ishalay dhacay aan loo heynin oo laga dawoobay quraacdii loo keenay ayaa uu cabsi la’aan cunid u galay markii uu dhameeyey ayay Falis ku tiri waxba ha soo bixin in aan kula hadlo Ayaan rabaa Falis iyada oo galas Cabitaan u sida ayay u soo gashay oo meel aan isaga ka fogeyn fadhiisatay kuna tiri

 

Falis:

Bal xaalkaaga ka waran xalay ma aadan soo hoyan

 

Yaasiin:

Waxaan is lahaa qoftii waa ay kuu xanaaqsan tahayee bal caawa ka gembiso

 

Falis:

Waa runtaa welina waan kuu xanaaqsan nahay

 

Yaasiin:

Gartay

 

Falis:

Adiga iyo aniga dad markii hore is doortay Ayaan aheyn mana jirin cid isu kaaya qasabtay miyeysan wanaagsaneyn in manta marka aan is keeni weynay in aan si sharaf leh ku kala tagno maxaa yeelay reer kalsooni ayaa uu ku joogaa iyo is ixtiraam waxaana filayaa in xiriirkeena ay intaa oo dhan ay ka dhamaadeen marka iyada oo aan qeyladeena lagu soo bixin ka waran haddii aan dhameysano oo aan kala baxno

 

Yaasiin:

Ma xumo laakiin adiga oo aan xaalkaada ogahay reerkaada xaggoodana uusan weji kuu oolin halkee ciirsan doontaa

 

Falis:

Taa ha ka fikirin qof isbixin karta waan ahay

 

Yaasiin:

Armuu xerageyga kuu roon yahay waa meel aad ku asturan tahay

 

Falis:

Taasi adiga ayay kula tahay ileyn hadaba ima qabo nin meel ii seexo oo ii naso I leh aniga ayaa cuntada soo shaqeeyo marka xerigaada maxaan ku heystaa

 

Yaasiin:

Kolay dantaada adiga ayaa og aniga kuma celinayo waxaana hubaa in faraj kale uu illaah ii furayo maxaa yeelay reerkayga waxa aan isku maagnay waa culeyskaada mana filayo in aan iminka boos ka weynayo xagooda

 

Falis:

Hadalkaasi cida uu furnaa waa aniga laakiin mid ogow intaan kula noolaa aniga maalmo madow Ayaan u arki doonaa oo I soo maray jaceylkana dhankiisa qiyaaliga ayaa uu ahaa midkii I soo maray barasho wanaagsan Yaasiin ee fadlan dalqadeyda ku dhawaaq

 

Yaasiin:

Waa yahee marqaatiyaal la imaaw

 

Falis markiiba waa ay carartay oo banaanka maqaayada wiil ka soo waday markii ay agtiisa timid  ku tiri

 

Falis:

Haye ku dhawaaq Aweysna waa kanaa isaga iyo wiilkaan ayaa ku filan ku dhawaaq oo kaliya

 

Yaasiin nin tiisa moog ayaa uu ahaayee markiiba si dhib yari ah ayaa ugu dhawaaqday dalaqdtii Falis halkaas ku soo dhamaaday ayaamihii Wacnaa marna xumaa ee ay Falis kala kulantay guurkii Yaasiin oo ay reerkeeda kaga timid

 

Markii uu Yaasiin damcay inuu baxo ayay Falis ku tiri

 

Falis:

Kolay guriga alaabteyda xilli hore Ayaan kala baxay caawaba waad u hoyan kartaa caawaba furaha waa kaa halkaa suran hore u qaado

 

Yaasiin:

Anigaba diyaaru ah in aan kaaga baxo adiga isaga noolow

 

Falis:

Waad ku mahadsan tahay ma doonayo in aan xaafadaan ku sii noolaado mida kale bishaan manta 12 ijaarka waa ay qabaan ilaa ay ka dhamaadana waad ku noolaan karaan

 

Yaasiin sidii ayaa uu u baxay Falis markiiba waxay isugu yeertay shaqaalaheeda maqaayada una sheegtay in ay halkaan ka tageyso sidoo kalana aysan waxba ka qaadan doonin oo ay maqaayada ku shaqeystaan waxay kalaoo u yeertay Nuuradiin kuna balameen inuu saacad kadib u imaan doono intii uu Nuuradiin maqnaa ayay howlihii kale ee u yaalay maqaayada soo dhameysatay Markii uu Nuuradiin Yimid ayay ku tiri

Falis:

Saaka in aad I soo mareyso Ayaan filaayey maxaa jira oo aad igu imaan weyday

 

Nuuradiin:

Walaahi waan ku xasuusnaa balse waxaan is lahaa xaaladooda ha degto kii ka waran xalay miyuu soo hoyday

 

Falis:

Ninkaas waan kala dhamaanay wax isu kaaya jirana ma jirto waxaana kuu wacay in aan kuu sheego in aan baxayo

 

Nuuradiin:

Laakiin sidee, sidaan iskuma Ogeyn Falis maxaa jira haddii uu ka soo laabtay qaladkiisa maxaad u cafin weyday

 

Falis:

Soo laabashadiisana uma fadhininee ma waxaad I leedahay ninkii sidaas oo dhan ii bahdilay la noolaa adiga aan ku weydiiyee noloshii aan u qalmay miyaan ka helay saaxiibkii

 

Nuuradiin:

Walaahi Maya, hadda ma furiin ayaa dhacay

 

Falis:

Haa waliba in aan tago Ayaan rabaa

 

Nuuradiin:

Halkee ma reerkii ayaad la xariirtay

 

Falis:

Inta uu Qadar joogo miyaa reerkaas wejiba iga furan yahay ee gabar aan saaxiibo nahay ayaa ii imaaneyso oo aan raacayaa iyada la noolaanayo ilaa inta xal ii bixi doono

 

Nuuradiin:

Walaahi ma aaqaan waxaan ku dhaho kan saaxiibkey ah doqon ayaa uu kugu noqday hadda maxaan kuu sameeyaa ii sheeg maxaad iga baahan tahay

 

Falis:

Hal mid oo kaliya ii samee maqaayada wiilashaan ayaa u dhaafay oo noloshooda ka soo saaranayo shaqadeedana waa yaqaaniin in aad ku soo kormeerto oo kaliya lacagta korontada la ogow bil kasta in ay bixiyeen iyo in kale mida kale lacagta igu harsan ee Qaboojiyaha waan kala hadlay iyaga ayaa bixinayo

 

Nuuradiin:

Taa looma baahna haddiiba aad iyaga siisay maqaayada lacagta inta hartayna aniga ayaa jeebkayga ka bixinayo maxaa kale

 

Falis:

Maasha allah waad mahadsan tahay kolay aniga ma filayo in aan halkaan ku soo laaban doono ee adiga ku soo kormeer wixii dheeri ah telka Ayaan iska maqleynaa

 

Nuuradiin:

Inshah allah haddii aad dooneysid waan ku sii kaxeyn karaa ilaa xaafada saaxiibtaa

 

Falis:

Mahadsanid waa ay igu soo dhowdahay ha is dhibin

 

Intii hadalkii lagu jiray ayay Timid Falis saaxiibteed waana Sureer oo aheyd cida kaliya ee ay Falis la xariiri jirtay mudadii ay reerkeeda kala maqnaayeen wallow dhowr jeer oo ay Yaasmiin weydiisay in ay war ka heyso Falis ay hore u dafirtay taasina waxa ay aheyd mid Falis rabtay oo ku tiri cid familka ka tirsan ha u sheegin aqbaarteyda xataa Yaasmiin sidii ayay Falis iyo saaxiibteed Samiira isku raaceen kuna abaareen Xaafadii Sureer ay ku nooleyd Sureer waxa ay lahayd gabar ay Falis hore u samisay maadaama ay aheyd saaxiibta kaliya ee ay ku laheyd xaafadii ay ku soo wada koreen waxaana habeenkii koowaad Falis nolol ugu bilaabatay xaafada saaxiibteed iyada oo wali ku adkeysaneyso in aan cideeda loo sheegin xaaladeeda .

 

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!