Sheekh Shariif oo Xalane kula shiray Madxweyne Cali Guudlaawe iyo Qodob xasaasi ah oo ay kawada hadleen

Read Time:1 Minute, 3 Second

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa maanta Hotelka uu ka degan yahay gudaha Garoonka Aadan Cadde waxaa uu kulan kula qaatay Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka oo aha is xog wareysi iyo ka doodista arrimaha doorashada dalka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii deegaanada Hirshabelle ay uga dhici laheyd doorasho la isku waafaqsanyahay maadama halkaas ay yaalaan kuraas farabadan oo Golaha shacabka ah.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale kala hadlay Cali Guudlaawe fulinta heshiiskii doorasho ee lagu gaaray Muqdisho kaa oo fulintiisa ay muhiim u tahay in dalka ay doorasho ka dhacdo.

Intii uu kulanka socday waxaa laga dooday sidii uu Cali Guudlaawe uu heshiis ula gali lahaa Beesha Xawaadle maadama dhowr kursi ay taalo magaalada Baladweyne iyadoo dhawaan wasiiradiisa lagu weeraray magaalada Baladweyne.

Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif ayaa xogo aan helnay waxa ay sheegayaan in kulanka uu la qaatay Cali Guudlaawe uu yimid kadib markii ay soo baxday xogo sheegaya in guddiyada doorasho ee Hirshabelle ay gacanta ku dhigtay Villa Soomaaliya taa oo wax laga xumaado oo ku tilmaamay madaxweyne Sheekh Shariif.

Ugu dambeyntii waxaa la sugayaa in kulankan ay ka soo baxaan xogo kale oo xasaasi ah maadaama xiligan ay jirto kala shaki xoog leh oo dhanka doorashada ah

Muqdisho-Somali

 

 

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %