Sheekh Shariif oo la kulmay Madaxda Hirshabelle — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sheekh Shariif oo la kulmay Madaxda Hirshabelle

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare iyo kuxigeenkiisa iyo qaar ka mid ah Golaha wasiirada maamulkaas ayaa waxaa ay hooyga uu ka degan yahay Magaalada muqdisho ku booqdeen Madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd ahna hoggaamiyaha Xisbiga himilo Qaran Sheekh Shariif sheikh Axmed.

Kulan gaar ah ayay wada qaateen, iyaga oo iska wareestay xaaladaha guud ee dalka sigaar ah xaalada dhaqaale iyo mid amni ee deegaanada Hir-Shabeelle,waxaana Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu Madaxda Hir-Shabeelle u sheegay in uu dhawaan booqasho ugu tegi doono.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa Madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd ahna hoggaamiyaha Xisbiga himilo Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu Magalada Muqdisho ka waday kulamo kala duwan oo uu la qaadanayey siyaasiyiin iyo Wakiilada Beesha Caalamka eek u sugan Magalada Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!