Categories
Af Soomaali

Sheekh Shariif oo ka hadlayay wararka sheegaya in musharaxiinta Mudullood ay isu tanaasuleen

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada iyo Warbaahinta qaar lagu baahiyay warar sheegaya in Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee kasoo jeeda Beesha Mudulood isku tanaasuleen.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna musharax Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa beeniyay waxbo kama jiraana ku tilmaamay in shir dhacay lagu go’aamiyay in musharaxiinta qaar isku tanaasulaan.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in had iyo goor uu aaminsannahay dimuqraadiyadda iyo in lagalo tartan xor ah, ku salaysan aragti siyaasadeed iyo isbahaysi, waxa uuna meesha ka saaray in heshiis lagu gaaray isku tanaasul dhaxdooda ah.

”Waxaan rabaa inaan caddeeyo inaysan waxba kajirin wararka ku saabsan shir ay yeesheen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha mudullood oo lagu gaaray heshiis isku tanaasul ah oo la dhex dhigay murashaxiinta qaar.” Ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaan ka hadlin wararka sheegaya in uu u tartamo kursi Xildhibaano , warkan ayaana isna si weyn saacadihii lasoo dhaafay loogu baahiyay Warbaahinta iyo baraha bulshada.

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Beesha Hawiye ayaa aad u tiro badan, waxaana la rumeesan yahay in musharaxiinta qaar u tanaasuli doonaan musharaxiin kale oo aad isugu dhaw yihiin.

Muqdisho-Somalia

By MM

Abdi Aziz Hassan Ibrahim is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @mareegonline
Email: news@mareeg.com