Sheekh Muqtaar Roobow oo gaaray magaalada Xudur ee gobolka Bakool

Read Time:36 Second

Wararka ka imanaya magaalada Xudur  ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo 13-kii August isku soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya uu maanta gaaray degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Roobow oo ay wehlinayaa xubno uu kamid yahay wasiirkii hore ee difaaca xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu soo dhoweeyay degmada Xudur, iyadoo maamulka gobolka Bakool ay ugga hortageen garoonka diyaaradaha magaalada Xudur.

Illaa hadda lama oga ujeedka uu u tagay degmada Xudur, hase ahaatee degmadaasi iyo deegaanno ku dhow waxaa ku sugan ciidankii isaga daacada u ahaa.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan Abuu Mansuur uu la kulmi doona mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koofur galbeed, waxaana la filayaa inuu faahfaahiyo ulajeedka uu u tagay degmada Xudur.

 

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %