Sheekh Cali Dheere: Waxaan Beegsanay Godkii Sharta Iyo Shirqoolka Laga Soo Abaabuli Jiray

Muqdisho, Mareeg.com: Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Max’uud Raage “Sheekh Cali Dheere” oo maanta ka hadlay weerarkii xalay lagu qaaday hotelka Jazeera ee Muqdisho, kaasoo Alshabaab u adeegsadeen labo gaari oo qaraxyo lasoo saaray.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in hoteelka Jazeera ee ay beegsadeen uu ahaa sida uu yiri god laga soo abaabuli jiray dhibaato loo soo maleegayo shacabka Soomaaliyeed.

“Howlgallada waxaa lagu beegsaday godadkii sharta ay ka soo baxeysay ee shirqoolka loogu maleegay dadka Muslimiinta, Mujaahidiintuna waxey go’aansadeen iney garaacaan oo bartilmaameedsadaan godadkaasi, ALLAH-na wuu u suurageliyay” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenka Alshabaab ayaa sheegtay inuu guuleystay weerarka ay xalay ku qaadeen hotel Jazeera oo uu dhacay sidii ay doonayeen, wuxuuna tilmaamay iney labadaas weerar ku dileen ilaaa 40 ruux.

“Waxaa kale oo Mujaahidiintu howlgalkaas ku dileen gaalo cadaan ah oo shirqoolada wax ka maleegayey, waxaana ku dhaawacmay dad badan oo xildhibaano ku jiraan” ayuu sidoo kale yiri Cali Dheere.

Dowladda Soomaaliya ayaasheegtay in weerarkii xalay ee hotel Jazeera ay ku dhinteen ilaa 10 ruux, ku dhawaad 40 kalana ku dhaawacmeen.

Hotelka Jazeera ee Alshabaab xalay weerareen ayaa lagu qabtay inta badan shirarka Qaran ee ay soo abaabusho dowladda Soomaaliya, wuxuuna ku yaalla kasoo horjeedka garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde.

Mareeg.com

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245