Sheekh caan ah oo lagu dilay magaalada Mombasa ee dalka Kenya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sheekh caan ah oo lagu dilay magaalada Mombasa ee dalka Kenya

Mombasa – Mareeg.com: Wadaad Muslim ah oo lagu magacaabj jiray, Sheekh Abuubakar Shariif Axmed (Makaburi) ayaa shalay lagu dilay banaanka magaalada Mombasa ee dalka Kenya, sidaas waxaa xaqiijiyey booliska iyo goobjoogayaal.

Makabu

Dabley hubeysan ayaa wadaadkaan rasaas ku furay, lamana oga cidda ay ahaayeen, waxaase sheekhaas horay loogu eedeeyey inuu dagaalyahanno Alshabaab uga soo qori jiray Kenya.

Waxaa jira shaki badan oo la xiriira in wadaadkaas ay dileen ciidamada la dagaallanka argagixisada ee dalka Kenya, iyadoo la sheegi waayey kooxihii dilay wadaado Muslimiin ah oo horay loogu dilay Mombasa.

Sheekh Makaburi ayaa ku jiray liiska dadka UN-ku qoray iney ka mid yihiin ragga gudaha Kenya kazoo qori jiray dhallinyarada u dagaallanta Alshabaab oo ku xiran Alqaacidda.

Ciidamada booliska ayaa rasaas kor ugu riday qaar ka mid ah qoyska iyo taageerayaasha Sheekh Makaburi, kuwaasoo ka carooday dilka wadaadkaas.

Waa wadaadkii 3-aad ee Mombasa lagu dilo tan iyo sanadkii 2012, wuxuuna Makaburi horay u sheegay in ciidamada Kenya doonayaan iney dilaan.

Abubakar Shariff Ahmed ayaa BBC-du wareysatay bishii September 2013, wuxuuna dafiray inuu Alshabaab gudaha Kenya uga soo qoro dagaalyahanno ka dagaallama Soomaaliya.

Sheekhan ayaa wareysigaas hore ee uu siiyey BBC ku sheegay inuu ka warqabo in ciidamada amaanka Kenya doonayaan iney dilaan, hase ahaatee wuxuu xusay inuusan baqo doonin.

“Ma baqayo, waana ogahay iney doonayaan iney I dilaan, waxaan ahay Muslim, waxaana rumeysanahay in nolosheyda iyo dhimashadeydu ay ku jiraan gacanta Alle” ayuu yiri Sheekh Abuubakar Makaburi.

Bishii October ee sandkii 2013 waxaa Mombasa lagu dilay wadaad kale oo Muslim aha kaasoo la oran jiray Ibrahim “Rogo”.

Waxaa sdoo kale bishii August 2012 isla Mombasa lagu dilay wadaad kale oo la oran jiray Aboud Rogo Mohammed, oo isagana lagu eedeeyey inuu Alshabaab Kenya uga soo qori jiray dhallinyaro dagaallanta.

Mareeg Meida

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!