Sheekh caan ah oo lagu dilay magaalada Gaarisa

Gaarisa – Mareeg.com: Dabley hubeysan ayaa xalay magaalada Gaarisa ee xarrunta gobolka Woqooyi Bri Kenya ku dilay Sheekh caan ah oo la oran jiray Sheekh Cabdi-rashiid Xasan.

Sheekh Cabdirashiid Xasan, ayaa waxaa la dilay xilli uu salaaddii Maqribka ku soo tukaday masaajid uu kutubta ku aqrin jiray.

Sheekha waxa uu ka mid ahaa culima’udiinka sida weyn leh looga garanaayo magaalada Garissa, wuxuuna Siirada Rasuulka (NNKH) uu ka akhrin jiray Masaajidka weyn ee Jameeca (Masjid Jaamac).

Ragga dilay Sheekha, ayaa waxay wateen gaari TXAI ahaa, kaasoo ay ugu suurta gashay in ay ku baxsadaan, kadib dilka Wadaadka sida weyn leh looga garanaayay Garissa.

Habeen hore ayay aheyd markii dabley wadatay ay rasaas ku fureen goob garaash ah, halkaasoo ay qof ku dileen labada kalana ku dhaawaceen, waxaana wadaadkani noqonaya Sheekhii labaada ee lagu dilo Gaarisa tan iyo markii ay halkaas qalalaasuhu ka bilowdeen sanadkii tegay.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245