Sharmarke oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sharmarke oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

R/wasaaraha dalka ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho kaddib markii uu safar shaqo ku tagay magaalooyinka Cadaado iyo Garowe.

 

R/wasaraha xukumadda federaalka Soomaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa ujeedada safarkiisu ahaa xallinta colaadda ka taagan magaalada Gaalkacyo, isagoo magaalooyinka Garowe iyo Cadaado kula soo kulmay madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland.

 

Wuxuu sheegay R/wasaaraha in madaxweynayaasha labada maamul ay ka ogolaadeen in ay tagaan magaalada Gaalkacyo, si loo baajiyo dagaal kale oo halkaasi ka dhaca.

 

R/wasaare Sharma’arke ayaa tilmaamay in guddi heer wasiir ah uu u magacaabay xallinta colaadda Gaalkacyo, iyadoo xubnaha gudigaasi ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha gudaha, iyo taliyaha ciidanka XDS.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!