Sharmake oo booqdey xeryaha qaxootiga Dhadhaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sharmake oo booqdey xeryaha qaxootiga Dhadhaab

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa markii ugu horeysay booqanaya xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee W/Bari dalka Kenya, kaddib markii uu shalay ka wuxuu bilaabay booqashooyin uu ku tegayo, qaar ka mid ah dalalka ay ku sugan yihiin qaxootiga Soomaalida ah oo Kenya ay ka mid tahay.

 

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho waxaa shalay gelinkii dambe ka ambabaxay wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, kuwaasi oo ka degay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya isla markaana waxay booqanayaan xeryaha qaxootiga Dhadhaab gobolka W/Bari ee dalkaasi si ay ugu kuur galaan xaaladda halkaasi ka jirta.

 

Wafdiga kala duwan ee saddex gesoodka ah ayaa qiimeynaya qaxootiga doonaya inay dalkooda dib ugu laabtaan, kuwa dooranaya inay halkooda sii joogaan, iyadoo dowladda Kenya ay horay u sheegtay in 5-Kun qof ay diyaar u yihiin iay dalkooda ku laabtaan.

 

Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid lama sheegin mudada uu halkaasi joogayo, hase yeeshee kormeerkiisa ayaa yimid wax ka yar 48-saac markii madax ka tirsan dowladda Kenya ay booqdeen halkaasi, iyadoo war ka soo baxay maamulka Nairobi uu sheegay in 500-qaxooti Soomaaliyeed ah ay diyaar u yihiin inay dalkooda dib ugu laabtaan.

 

Ra’iisal Wasaaraha ayaa warar kale oo soo baxaya waxay sheegayaan inuu booqanayo Jasiirada Malta, halkaasi oo ay ku dhammaanayaan tahriibayaal Soomaali ah, iyadoo socdaalka Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid isku dayayo sidii loo yareyn lahaa tahriibayaasha Soomaaliyeed ee u bareeraya khatarta.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.