Shariif Xasan: “Shirka Madasha meel wanaagsan ayuu maraa”

Read Time:37 Second

Shariif Xasan Sheekh Aadan OO AH Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed AYAA maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo kan warbixiyay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in Shirka Madasha Wadatashiga uu marayo meel wanaagsan

Madaxweyne Shariif Xasan oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Baydhabo ayaa waxuu sheegay in Shirka Madasha Wadatashiga Qaran uu marayo meel wanaagsan.

Mr. Shariif Xasan ayaa waxuu tilmaamay inta badan qodobada Shirka Madasha in la isaga soo dhawaaday, isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay soo gaba gabeynta Shirkaasi.

Waxuu qeexay in Ciida kadib Madaxda Dowladda waqtigeedu dhamaaday iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka ay isugu soo laaban doonaan Shirkaasi.

Sikastaba, Shirka Madasha Wadatashiga oo looga hadlayay arimaha Doorashooyinka ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxuu ka socday Magaalada Muqdisho.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %