Shariif Xasan oo wiilkiisa ku badelay kursigii uu ku lahaa baarlamaanka Federaalka ah
Mareeg.com: Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhawaan loo doortay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa kursigii uu ku lahaa baarlamaanka ku badelay wiil uu dhalay.
Wiilka Shariif Xasan ee galay booska aabihiis ayaa lagu magacaaba C/qaadir Shariif Xasan, waxaana xilkaas loogu dhaariyey kulankii baarlamaanka ee maanta.
Siyaasadda qaaradda Afrika iyo Carabta ayaaney wax ku cusub in siyaasiyiintu boosaska ay ka tegayaan la jeclaadaan caruurtooda.
Mareeg Media
Comments are closed.