Shariif Xasan oo wariye caan u magacaabay afahayeenka maamulka Koonfur Galbeed * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shariif Xasan oo wariye caan u magacaabay afahayeenka maamulka Koonfur Galbeed

Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadam ayaa afahayeenkiisa u magacaabay wariye C/qaadir Cashir Nadaara oo muddo kasoo dhaqeeyey warbaahinta Afka Soomaaliga ku hadasha.

Wariye Cabduqaadir Cashar Nadaara ayaa shalay oo taariikhdu aheed 1-bisha Maarso waxaa si rasmi ah loogu magacaabay in uu noqdo Afhayeenka madaxweyne Shariif Xasan, ahna la-taliyaha dhanka warfaafinta, sida ku cad wareegto kasoo baxday xafiiska Shariif Xasan Sheekh Aadam.

Nadaara ayaa horay uga soo shaqeyey Idaacaddii Horn Afrik ee Muqdisho iyo TV-yada Universal iyo Kalsan ee fadhigoodu yahay UK.

Halkaan ka aqri wareegatada Shariif Xasan ku magacaabay Nadaara. Riix sawirka waqradda si uu u weynaado.

afhayeen_nadara

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!