Shariif Xasan oo tegay degmo ka tirsan Baay oo Alshabaab go'doomisay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shariif Xasan oo tegay degmo ka tirsan Baay oo Alshabaab go’doomisay

Mareeg.com: Wafdi uu hoggaaminayo hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta gaaray degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, sida uu xaqiijiyay wasiiru-dowlaha madaxtooyada maamulka, Maxamed Cabdullaahi Mursal.

Socdaalka madaxweynaha ayuu sheegay inuu la xiriiro u kuurgalidda xaaladda nolosha iy amniga ee ka jirta degmada.

Magaalada ayaa ka mid ah magaalooyinka gobollada Baay iyo Bakool ee ay go’doomisay Al-Shabaab, waxaana gacanta ku haya ciidamada AMISOM ee ka socda Itoobiya iyo ciidan Soomaali ah.

Shariif Xasan ayaa halkaas kulamo kula yeelanaya mas’uuliyiinta degmada, waxgaradka iyo qeybaha bulshada.

Hoggaamiyaha waxaa socdaalkiisa ku wehliya xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada iyo saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM.

Shariif Xasan oo booqasho ku maraya deegaanno ka tirsan maamulkiisa ayaa Axaddii shalay booqday degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.