Shariif Xasan oo ay wehlinayaan qaar ka mid ah xubnaha Golahiisa Wasiirada ayaa ka hor inta uusan dhoofin warbaahinta u sheegay inuu dowladda Itoobiya kala hadli doono arrimo ku saabsan xiriir dhinacyada ganacsiga iyo ammaanka oo si gaar ah u khuseeya maamulkiisa.
Sidoo kale, wuxuu sheegay inay xukuumadda Addis Ababa ka codsanayaan sidii ay u taageeri lahayd maamulkiisa cusub ee Koonfur-galbeed Soomaaliya oo dadaal ugu jira sida uu sheegay inuu Al-shabaab ka saaro deegaannada ay kaga sugan tahay gobollada uu ka taliyo.
Xubnaha safarka ku wehliyay Shariif Xasan ayaa waxaa ka mid ah wasiirka amniga Koonfur-galbeed, C/fataax Ibraahim Geeseey iyo kan warfaafinta, Ugaas Xasan.
9-kii bishaan waxaa socdaal nuucaan ah Addis Ababab ku tegay madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, kaasoo isaguna sheegay inuu Itoobiya kala soo hadlayo arrimo la xiriira horumarka iyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.