Shariif Xasan oo sheegay inuu xubno tayo leh usoo xulayo howlaha maamulka K/galbeed * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shariif Xasan oo sheegay inuu xubno tayo leh usoo xulayo howlaha maamulka K/galbeed

Mareeg.com: Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa sheegay in maalmaha dhow uu soo dhisayo maamul tayo leh iyo aqoon suurta geliya in shacabka u adeegayo ka haqabtira baahiyahooda.

Wuxuu shaaciyay Shariif Xasan in maamulka cusub dadaal u geli doono sidii dadka looga saari dhibaatada iyo waliba maamul xumida mudada badan soo ragaadisay, isagoona balan qaaday inuu ka shaqeyn doono midnimada iyo dib nabadeynta Shacabka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa tilmaamay in maamulkiisa uu la dagaalami doono ururka Al-shabaab, islamarkaana ku dadaali doono sidii Shabaabka looga saari dhamaan gobolada uu ka kooban yahay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shariif Xasan ayaa hadalkaan ka jeediyey xafladdii lagu caleemo saarayey ee ka dhacday magaalada Baydhabo. Shariif Xasan waxaa kasoo horjeeda rag kula sugan Baydhabo, kuwaasoo sheegtay iney maamul u yihiin 6 gobol.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!