Shariif Xasan oo magacaabay wasiiro aad u farbadan (Akhri magacyada) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shariif Xasan oo magacaabay wasiiro aad u farbadan (Akhri magacyada)

Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa magacaabay wasiiro badan oo ka mid noqonaya maamulkiisa, kuwaasoo gaaraya 20 xubnoo.

Shariif Xasan ayaa horay u magacaabay 4 wasiir, taasoo wasiirada maamulka Koonfru Galbeed ka dhigeysa 24.

Hadaba magacyada Wasiirada uu soo magacaabay Shariif Xasan ayaa waxay kala yihiin sidan:-

1- C/fitaax Ibraahim Geesay, Wasiirka Amniga
2- Xasan Xuseen Maxamed, Wasiirka Hub ka Dhista, Dhaqan Celinta iyo Tababarida Maleeshiyaadka
3- Saalim Xaaji Xasan Cismaan, Wasiirka Batroolka iyo Tamarta,
4- C/qaadir Shariif Sheekhunaa, Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda
5- Cabdinaasir Cabdi Caruush, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga
6- Isaaq Cali Subug, Wasiirka Caafimaadka
7- Saadaad Maxamed Nuur Cali Caliyow, Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta
8- Xasan Ibraahim Xasan, Wasiirka Hiddaha, Tacliinta Sare iyo Ticnoolijiyadda
9- Xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinra Bulshada
10- Maxamed Cumar Zeytuun, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta
11- C/laahi Cabdi Cumar Fanax, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga
12- Aadan Xasan Maxamed “Usama”, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha
13- C/laahi Sheekh Xasan, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaddaha
14- Axmed Nuur Sheekh Maxamed Luxus, Wasiirka Dib u dejinta iyo Xiriirka Jaaliyaddaha
15- C/qaadir Nuur Caraale, Wasiirka Dib u Heshiisiinta iyo Arrimaha Dastuurka
16- C/laahi Muuse Abuukar, Wasiirka Arrimaha Gargaarka iyo Daryeelka Naafada
17- Cumar Aadan Xasan “Cumar Dheere” Wasiirka Dalxiiska iyo Duurjoogta
18- Macalin Maxamuud Maxamed “Macalin Jiis” Wasiirka Deegaanka iyo Daaqa
19- Axmed Maxamed Barre, Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
20- Jeylaani Sheekh Maxamed Xasan, Wasiirka Shaqada Iyo Shaqaalaha.

Waxaa weli dhiman wasiirada ku xigeenada mamulkaas, taasoo tirada Golaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed ka dhigeysa mid ku dhow ama la eg Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee la sugayo.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More