Shariif Xasan oo maanta ka degay magaalada xarrunta u noqoneysa Maamulka Koonfur Galbeed * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shariif Xasan oo maanta ka degay magaalada xarrunta u noqoneysa Maamulka Koonfur Galbeed

Mareeg.com: Madaxweynaha Maamulka dhawaan la dhisay ee Koofur Galbeed ee Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo horay loo qorsheeyey iney noqoto xarunta Maamulka Koofur Galbeed.

Shariif Xasan iyo wafdigiisa ayaa waxaa diyaarad nuuca qumaatiga u kaca oo Helicopter ah ka qaaday magaalada Baydhabo.

Bashiir Maxamed Yuusuf oo ah Kusimaha Gudoomiyaha degmada Baraawe ayaa sheegay in Shariif Xasan iyo wafdigiisa si diiran loo soo dhoweeyay magaalada.

Booqashadan oo aheyd mid aan horay loo sii shaacin ayaa la filayaa in Shariif Xasan ugu kuur galo xaalada Baraawe, halkaasoo horaantii bishii October lagala wareegay Al-Shabaab.

Shariif Xasan oo xilka Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed loo doortay bartamihii bishii November ee sanadkaan 2014 ayaa 18-koo bishaan ku dhawaaqay afar ka mid ah xubnaha Golaha wasiirada maamulkiisa.

Wasiirrada uu Ahsriif Xasan magacaabay ayaa kala ah:

1- Wasiirka Arrimaha Gudaha, C/raxmaan Ibraahim Aadan (Sate)

2- Wasiirka Maaliyadda, Sheekh Xasan Ibraahim (Lug-buur)

3- Wasiirka Garsoorka, Axmed Sheekh Xasan (Garrow)

4- Wasiirka Beeraha, Maxamed Xasan Fiqi

Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ka kooban 3-da gobol ee kala ah: Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!