Shariif Xasan oo lagu qasbay inuu ka laabto Baydhabo kadib 3 maalmood oo rabshado ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shariif Xasan oo lagu qasbay inuu ka laabto Baydhabo kadib 3 maalmood oo rabshado ah

Muqdisho – Mareeg.com: Xildhibaanno gaaraya 17 oo uu ka mid yahay Shariif Sheekh Xasan Aadan ayaa maanta ka tegay Baydhabo, iyagoo gaaray Muqdisho, waxaana arrintaan timid kadib 3 maalood oo debadbaxyo ah oo looga horjeeday Shariif Xasan oo ka dhacay Baydhabo.

Madaxda dowladda ayaa la sheegay inay ku wargeliyeen Shariif Xasan inuu isaga soo tago Baydhabo, si aanay dhibaato uga dhalan joogitaankiisa, iyadoo xaalad kacsanaan ay ka jirtay magaalada intii uu ku sugnaa.

Xildhibaannadan 17-ka ah, waxay qaarkood ku sugnaayeen Baydhabo tan iyo sannadkii hore, iyagoo taageerayaal u kala ahaa shirarka maamul sameynta ee ka kala socda magaaladaas.

Dadka debadbaxayey aya ku adkeystay iney sii wedayaan mudaharaadka ilaa Shariif Xasan ka tegayo magaalada Baydhabo, taasoo keentay in Shariif Xasan iyo xildhibaanada kale looga yeero Muqdisho, iyadoo la baajinayo in dhiig kale daato.

Qaramada Midoobay iyo AMISOM ayaa horay uga digay in khilaafka Baydhabo isu badelo colaad sokeeye, waxaana shalay Shariif Xasan sheegay iney ka fogaanayaan wax kasta oo dagaal abuuri kata.

Shariif Xasan iyo xubnaha la socday waxey 3 maalmood joogeen Baydhabo, iyadoo ay ilaalinayaan ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM, waxaana dhowr jeer dad debadbaxayey isku dayeen iney gudaha u galaan guriga uu deganaa Shariif hase ahaatee ciidamada ayaa ka horjoogsaday.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!