Shariif Xasan Oo Ku dhawaaqay Dhismaha Ciidamo Cusub iyo DF Oo Halis.... * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shariif Xasan Oo Ku dhawaaqay Dhismaha Ciidamo Cusub iyo DF Oo Halis….

Beydhabo ( Mareeg News ) Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ciidamada isku dhafka maamul Goboleedyada ay hogaamin doonaan amniga Gobolada dalka.

Shariif Xasan, waxa uu sheegay in ciidamada isku dhafka la sameyn doono ay uga kaaftoomi doonaan kuwa dowlada Somalia ee ka howlgala Gobolada.

Waxa uu sheegay in heshiiska rasmiga ah uu yahay in ciidamada ay dhisan doonaan ay xooga saari doonaan danaha maamul Goboleedyada, waxa uuna meesha ka saaray inay ku tashanayan dowlada Somalia.

“Sameynta ciidamada cusub waxa ay tijaabo u tahay ka kaaftoomida dowlada Dhexe, amniga gobolada waa mid inaga na khuseeya waxba kama khuseeya dowlada”

“Dowladu wey ka jawaabi weysay baahida ku aadan inay naga saarto Al-Shabaab, waxa aanu go’aansanay inaan ka kaaftoono baahida dowlada”

Sababta ugu weyn ee Ciidankaasi loo Aasaasayo ayuu ku sheegay in ay tahay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Hoggaamiye Shariif Xasan ayaa wajahaya loolan adag oo dhinaca doorashada ah taas oo la filayo in ay dhacdo 17ka Bish November ee soo socota.

Geesta kale, musharrixiin badan ayaa ku qul qulaya Magaalada Baydhaba kuwaas oo doonaya in ay u tartamaan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!