Shariif Xasan Oo Ku Biiray Shirka Baydhabo Ee Lagu Dhismayo Maamulka Koonfur Galbeed * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shariif Xasan Oo Ku Biiray Shirka Baydhabo Ee Lagu Dhismayo Maamulka Koonfur Galbeed

Mombasa, Mareeg.com: Shariif Xasan Sheekh Aadam, Afhayeenkii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, haatanna ah mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ku jiraan xildhibaano ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Shariif Xasan oo saxaafadda kula hadlay Baydhabo ayaa ujeeddada safarkooda ku tilmaamay inay tahay sidii ay uga qeyb-gali lahaayeen shirka maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya ee ka socda magaalada Baydhabo.

Wafdiga waxaa la dejiyay hoteelka Bakiin, waxaan ammaankooda sugaya ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana lagu wadaa iney kulamo wada-tashi ah la qaataan qeybaha kala duwan bulshada iyo odayaasha dhaqanka ee gobollada Baay iyo Bakool.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda shir la sheegay in lagu dhisayo maamul ay yeeshaan gobollada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!