Shariif Xasan oo jago wasiir u magacaabay Madoobe Nuunow oo si weyn u mucaaradi jiray * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shariif Xasan oo jago wasiir u magacaabay Madoobe Nuunow oo si weyn u mucaaradi jiray

Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheikh Aadan oo shalay soo dhameystiray Golahiisa Wasiirada ayaa siyaasigii diidanaa maaamulka saddexda gobol, sheegna jiray inuu yahay madaxweynaha maamulka lixda gobolka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya u magacaabay jago wasiir.

Shariif Xasan Sheekh Aadam ayaa Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa u magacaabay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Madoobe Nuunow oo ka hadlay munaasabad ay joogeen wasiiro badan oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa in qablay xilkaas, uuna ka tanaasulay sheegashadii madaxweynaha maamulka lixda gobolk.

“Laga bilaabo maanta waxaan isla garanay inaan si wadajir ah uga shaqeyno nabadda, annaga oo aan is dileyn, xil yaraan ma lahan, xilkii weynaa waxaan idinkugu qaban lahaa ayaan kanna idinkugu qaban doonaa” ayuu yiri Madoobe.

Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa u mahgadceliyey Madoobe Nuunow, wuxuuna sidoo kale xusay inuu Madoobe Nuuno u tanaasulay Nabada Koofur Galbeed.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Madoobe Nuunow inuu u tanaasulay midnimada iyo nabadda” ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadam.

Madoobe Nuunow ayaa muddo dheer diidanaa garabkii uu hogaaminyey Shariif Xasan Sheekh Aadan, kuwaasoo ay dowladda Soomaaliya iyo beeshaa caalamka ku fekir ahaayeen.

Nuunow wuxuu abaabulay debadbaxyo dhor jeer dhacay kuwaasoo looga soo horjeeday qorshaha maamul sameynta ee ay wadday dowladda Soomaaliya, waxaana debadbaxyadaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!