
Wararka aan ka helayno Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in habeenimadii xalay ay Magaalada Baydhabo ka bilowdeen Shirar goos goos ah oo Shariif Xasan uu lalahaa Xubnahan Beelaha Deegaanka,gaar ahaan Odayaasha Gobolka Bakool eek u sugan Magaalada Baydhabo,Shariif Xasan ayaa intii ay shirarkaas xalay socdeen sheegay in uu jiro Safar deg deg ah oo uu ku tagayo Magaalada Adis ababa.
Wuxuu shariif Xasan Sameeyey habeenimadii xalay balanqaadkii ugu Cuslaa oo uu Odayaasha ugu sheegay in Gobolka Bakool iyo gobolka Bay ay isku Xuquuq helayaan isaga oo aan dib ugu noqonaynin Xildhibaanada balse qaybaha kale ee Dowladda uu ka qayb galinyo.
Socdaalka Shariif Xasan ee Magaalada Adis abab ayaa daaran in Dowladda Ethiopia ay u cadayso Mawqafkeeda ku wajahan dhisamah maamulka Gobolka BakoolSare State maadaam Madaxwaynaha Maamulka Koonfur Galbeed uu walaac badan ka qabo,ogaansho la’aanta mawqafka Dowladd Ethiopia ee Maamulka Bakool Sare.
Dhinaca kale Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe Ayaa lagu wadaa galinka dambe ee maanta Inuu Gaaro Magaalada Nairobi kadib safar dhowr Cisho qaatay oo uu ku joogay caasimada itoobiya ee Addis Ababa.