Shariif oo soo gaaray Magaalada Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shariif oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Muqdisho (Mareeg)—Madaxweynihii hore ee Dalka Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

 

Mudane Sheekh Shariif ayaa si diiran waxaa loogu soo dhaweeyay Caasimada Soomaaliya kadib markii sida la sheega ay Diyaarad qaas ah ka soo qaaday Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

 

Boqolaal Dad weyne oo taageero u ah Madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif ayaa lagu arkayaa wadooyinka iyagoo sita boorar kala duwan oo taageeroo ay ugu muujinayaan.

 

Madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif ayaa ku noolaa Dalka dibadiisa kadib markii uu isaga dagay xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya.

 

Waxaa lagu wadaa in Mudane Sheekh Shariif uu ku dhawaaqay musharaxnimadiisa ku aadan qabashada xilka madaxtinimo ee Dalka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!