Sharciga waxbarashada Soomaaliya oo maanta lagu soo bandhigay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sharciga waxbarashada Soomaaliya oo maanta lagu soo bandhigay Muqdisho

Muqdisho – Mareeg.com: Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa manta Muqdisho kusoo bandhigtay sharci la doonayo in lagu maamulo waxbarashada Soomaaliya, kaasoo aan aheyn mid kama dambeys ah.

Goobta lagu soo bandhigay sharciga oo aheyd hotelka Jazeera, waxaa lagu casumay wasiiro, xldihibaano, wakiilo ka socday bahada waxbarashada, aqoonyahano iyo xubno ka socday Ururrada bulshada rayidka ah.

Wasaaradda waxbarashada ayaa sharcigaan soo bandhigtay ka hor inta aysan u gudbin baarlamaanka, si bulsahada qeybta aqoonta u leh ay ugala tashato.

Wasaaradda ayaa kulanka ku soo bandhigtay geedi socodkii siyaasadda iyo sharciga waxbarashada Soomaaliya soo mareen iyo soo bandhigidda tiirarka muhiimka u ah sharciga iyo siyaasadda waxbarashada qaranka, kaasi oo u jeedkiisu ahaa sidii xubnaha ka qeybgalay ay dhankooda uga talo bixin lahaayeen.

Guddoomiye ku-xigeenka gudigga horumarinta adeega bulshada ee Baarlamaanka Xildhiban Axmed Caabi Aadan oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in wasaaraddu ay gudigooda gacan ku siinayaan sidii qorshahaasi baarlamaanka loo horgeyn lahaa.

Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta ee Xukuumadda Soomaaliya, Ciise Maxamed Axmed Guraase oo goobta hadal ka jeediyay ayaa baarlamaanka ka codsaday in ay meel mariyaan sharcigan ay wasaaraddu diyaarisay, si loo helo nidaam waxbarasho.oo dhameystiran.

Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska dalka Eng, Nadiifo Maxamed Cismaan ayaa sheegtay in Wasaaraddu ay gacan ka geysanayso dhismaha goobaha waxbarashada ee ku bur buray dagaalladii dalka, si dib loo soo celiyo xarumihii waxbarasho ee sida lacag la’aanta ah ee ay dowladdu ugu adeegi jirtay bulshada.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha diinta, Ridwaan Xirsi Maxamed oo ugu dambeyntii kulanka ka hadlay ayaa ku booriyay mas’uuliyiinta Wasaaradda inay badiyaan talo gelinta siyaasadda iyo sharciga waxbarashada ee dalka, isagoo xusay in Waxbarashu ay tahay furaha nolosha.

Wasaaradda waxbarashada ee hadda jirta ayaa dooneysa iney soo celiso shaqadii wasaaradda oo muddo ka maqneyda dalka.

Mareeg Media

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!