Shaqaale Samafal Oo Soomaali Ah Oo Lagu Afduubay Gobolka Jubadaha Hoose

Muqdisho, Mareeg.com: Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in shaqaale samafal oo u shaqeynayey hay’ado maxalli ah oo lagu afduubay inta u dhaxeysa deegaanka Taabto iyo degmada Dhoobley.

Shaqaalahan waxaa 29/12/2013 oo aheyd shalay oo axad ah afduubtay dabley hubesyan oo aan la garaneyn, waxaana lala aaday meel aan la ogeyn.

Shaqaalahan ayaa u shaqeynayay Hey’ado maxali ah oo lagu kala magacaabo Juba Foundation iyo Southern Aid, waxeyna ka howlgelayeen deegaanada Shabax, Taabto iyo Qooqaani.

Shaqaalahan oo tiradoodu ahayd 5 ruux oo uu ku jiray darawalkii gaariga ku weday ayaa la sheegay inay kasoo baqooleyn deegaanka Taabto iyagoo kusii jeeda degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose.

Sarkaal ka tirsan Hey’adaha maxaliga ee ay u shaqeynayeen shaqaalahaas oo ka gaabsaday in la sheego ayaa sheegay inay ugu war dambeysay iyagoo ku soo jeeday degmada Dhoobley, isla markaana ay ka war heleen in jidka ay u galeen dabley hubeysan deetana ay qafaasheen.

Gobolka Jubada Hoose ayaa ah gobol halis badan oo ay si weyn ugu dhaqdhaqaaqaan xarakada Alshabaab oo weliba dagaallo dhabagal ah ku qaada ciidamada Kenya ee gobolkaas ku sugan.

Mareeg.com