Mareeg.com: Dabley hubeysan ayaa maanta magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodon ku weeraray gaari ay wateen labo qof oo u shaqeynayey Hay’adda Almanhal oo ka mid ah hay’adaha samafalka ee ka howlgala Muqdisho.
Gaari NOHA ah oo ay wateen shaqaalahaan ayaa lagu rasaaseeyay Xaafada Taleex, markii kooxaha hubaysan ay gaari kale oo ay wateen ku horjareen, sida dadka deegaanka ay inoo xaqiijiyeen.
Darawalkii gaariga ayaa la sheegay inuu ku dhintay weerarkaas, halka qof kale oo gaariga la socday uu dhaawacmay.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa waayahan dambe ahaa mid wanaagsan oo aysan ka jirin dhibaatooyin dhanka ammaanka la xiriira.
Weli maamulka degmada Hodon iyo taliska booliiska ee degmadaasi wax faah faahin ah kama aanay bixin falkaan dhacay, waxaana xaaladda ay tahay mid degan.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.