Muqdisho: Kadib markii maanta ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ay xoog ku galeen Radio Shabeelle oo ka madax deygay inuu ka guuro gurri ay leedahay shirkadda Somalia Airlines ayaa halkaas shaqaalihii ka shaqeynayey intooda badan looga qaaday gaari shabaqle ah oo ah nuuca lagu qaado dadka lasoo xirayo.
Warar Mareeg.com heshay ayaa sheegaya in kadib markii qaar badan oo ka mid ah shaqaaluhu diideen iney ka baxaa dhismaha Idaacaddu deganeyd lagu qaaday qaari shabaqle ah, kadibna la geeyey xarrunta dambi baaarista CID.
Qaar ka mid ah weriyaasha Shabeelle ayaan ka mid aheyn dadka loo qaaday CID, kuwaaoo u badan xubnihii idaacadda ka maqnaa markii howlku dhacayey. Wararka qaar ayaa sheegaya in shaqaaluhu u baqayaan amaankooda, iyadoo idacaadaas horay weriyaal badan looga dilay.
Wararka ayaa sheegaya in ilaa 20-shaqaale oo rag iyo dumar isugu jiray ay ciidamada ku kaxeeyeen gaariga shabaqlaha ah, iyadoo warar kale sheegayaan in dadka CID loo qaaday ay ku jiraan qaar ka mid ah madaxda iyo maamulka idaacadda.
Ciidamada dowladda oo amar ka watay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa hawada ka saaray Idaacada oo xilliga ay xoog ku galayeen hawada ku jirtay.
Idaacadda Shabeelle oo degan gurri ay leedahay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Somali Airlines ayaa aheyd warbaahinta ugu dhaleeceynta badan madaxda dowladda.
Mareeg.com