Shaqaalaha Kenyanka ah oo isaga cararaya magaalada Mandheera * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shaqaalaha Kenyanka ah oo isaga cararaya magaalada Mandheera

Mareeg.com: Dadka Kenyanka ee ku noolaa magaalada Mandheera ee gobolka Woqooyi Bari Kenya ayaa bilaabay iney halkaas isaga caraaran kadib markii sabtidii lasoo dhaafay Alshabaab dileen 28 ruux oo ay kala dageen bas ka baxay Mandheera, kuna siii jeeday Nairobi.

Dadka la laayey oo u badnaa Macalimiin, shaqaale caafimaad iyo kuwa dhisme ayaa ka hor inta aan la dilin la weydiiyey iney Muslim yihiin iyo inkale, waxaana la dilay tiradii aan Muslimka aheyn.

Markii falkaas Alshabaab sheegteen ayaa dadkii Kiristaanka ahaa ee ka shaqeynayey meelo ka mid ah gobolka Woqooyo Bari Kenya, oo Mandheera ugu horreyso iska xaadiriyeen garoomada diyaaradaha, iyagoo doonaya iney tagaan Nairobi ama gobollada ay kasoo jeedaan.

Dowladda Kenya ayaa loo jeediyey dhaleeceyn la xiriirta iney sugi weysay amaanka dadka Kenyanka ah ee ku sugan gobolka Woqooyi Bari, waxaana ururada macalimiintu dalbadeen in laga tago goobaha halistu ka jirto.

Dowladda ayaa ku adkeysaneysa in Muwaadiniinta Kenyanka ah meel kasta ay oo ka joogan Kenya la ilaalinayo, ayna tahay iney shaqadooda sii wataan.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!