Shaqaalaha diyaaradii ku dhacday Carbiska oo maanta dalkooda ku laabanaya

Shaqaalaha diyaaradii xamuulka ahayd ee dhowaan ku dhacday Carbiska ayaa lagu wadaa in maanta ay dib ugu laabtaan dalkooda.

Duuliyaashii diyaarada iyo shaqaalaha kale ee ka shaqeynayay diyaarada oo tiradoodu gaareyso lix ayaa dhammaantood waxa ay ka soo jeedaan dalka Masar. Waxaa soo baxayay warar sheegayay in shaqaalahan lagu xirey xabsi kuyaal garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee, Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa beenisay warar sheegayay in shaqaalahan la xirey, Wasiirka Amniga Qaranka Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in shaqaalihii diyaaraddii dhawaan ku dhacday duleedka degmada Afgooye aan la xirin oo ay deggen yihiin mid ka mid ah hoteelada Muqdisho ayna haystaan baasabooradooda.

Shaqaalaha diyaaradan oo dhawaan ku dhacday duleedka Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose oo ahaa lix ruux ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin; Taariq Bayonmay, Ahmed Baradaj, Mohamed Subxi, Shaxata Shanoni, Alaa Raflax iyo Salah Abdi Sadaq.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Airbus 300 ayaa waxaa iska lahayd shirkad lagu magacaabo Tristar oo ka diiwaangashan Masar iyadoo xilli habeen ah ku soo aaday Muqdisho, balse degi waday, markaas kaddibna ku dhacday Carbiska oo ku dhow degmada Afgooye.